Muqdisho: Nin tododobo ku jiray oo xaaskiisa lagu eedeeyay inay dishay

Image
Laamaha ammaanka ayaa Eedeysanaha u gudbiyay Xarunta dambi baarista (CID-da).

Muqdisho, Soomaaliya - Marxuum Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ayaa maanta lagu dilay Kaamka Badbaado ee magaalada Muqdisho, iyadoo xaaskiisa –uu qabay muddo ka yar 4 maalin– lagu eedeeyay inay dishay, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Qoyska Marxuumka ayaa sheegay in xaaskiisa ay dishay, waxaana ay laamaha ammaanka ka dalbadeen inay soo farageliyaan kiiskan, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado eedeysanaha.

Qoyska ayaa sidoo kale sheegay in haweeneyda dilka lagu eedeeyay ay sheegtay in Marxuumka uu is-dilay, taasoo ay beeniyeen Qoyska, iyagaoo cuskanaya calaamado ay sheegeen inay qoorta kaga taallo.

Waxa ay intaa ku dareen in uu khilaaf soo kala dhex galay labada dhinac, isla markaana ay isku khilaafeen in haweenaydu ay soo booqato guriga qoyskeeda ka hor inta aysan todobaado ka bixin.

Laamaha ammaanka ayaa Eedeysanaha u gudbiyay Xarunta dambi baarista (CID-da), si ay baaritaan ugu sameeyaan falkaasi, oo muran badan ka dhaliyay baraha bulshada.

Gobollada dalka ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku soo badanayay falalkan noocaan ah, xilli ay Muqdisho iyo Qoryooley ka dhaceen falal lagu soo qab qabtay rag lagu eedeeyay inay xaasaskooda dileen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM