Muqdisho oo la geliyey "bandow" aan lasii shaacin; banaanbax dhacay
MUQDISHO, Soomaaliya – Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la geliyey bandow aan horey loosii shaacin, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin kala duwan, kuwaas oo la xiriiriyey fayruska Corona.
Go'aankan ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay talaabooyin cusub oo xukuumadda ay kaga hortageyso faafitaanka cudurkaas safmareenka ah.
Talaabooyinka cusub waxaa kamid ah in la xiro Masaajida ku yaala magaalada, oo qaarkood ay albaabada u laabeen ciidamadda, wallow ay ka dhasheen banaanbaxyo kooban oo dhacay.
Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in askarta ay tageen qaar kamid ah Masaajida kadib Salaadii Jimcaha, waxayna ku amreen maamulka ay gebi ahaanba xireen.
Sidda uu ogaadey warsidaha GO, masaajida ay ciidamadu tageen ayaa ah kuwa kaliya ku kala yaala degmooyinka Wadajir, Dharkeynley, Waaberi iyo Xamarwayne.
"Ma aysan noo sheegin xiliga dib loo furi doono, balse waxaa noo yimid sarkaal noo sheegay in illaa iyo amar dambe aan la furi karin," ayuu yiri Imaam sababo amni u gaabsaday magaciisa.
Meelaha uu banaanbaxa ka dhacay waxaa kamid ah; Masjidka Marwaas ee degmada Xamar-wayne, oo jameecadii ku jirtay ay ka hor-yimaadeen hadalka taliyihii tegay, kaasoo lagu ooriyey.
Dhamaan Masaajida ay bartilmaameedsaday ciidamadda waa kuwa waaweyn ee caanka ah magaalada, balse waxaa si caadi ah loogu tukanayaa Masaajida ku dhex-yaala xaafadaha caasimadda.
Sidoo kale, ciidamadda ayaa si qasab ah ku xiray xarumaha ganacsiga ee ku yaala wadada Maka Al Mukarama, balse waxaa si caadi ah u furan mehradaha ku yaala xaafadaha degmooyinka.
Talaabooyinka cusub ee dowladda Soomaaliya qaadey ayaa kusoo aadaya xili ay kordheen tirada kiisaska oo haatan maraya 13; hal qof ayaa sidoo kale u dhintay; waxaana laga baarayaa dad ka badan 50 qof.
GAROWE ONLINE