Muqdisho oo laga diiwaan-geliyey 54 kiisas cusub oo ah Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 54 kiisas cusub oo ah fayruska Corona.

Dhamaan xaaladahaan ayaa laga helay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sidda ay saxaafadda u sheegtay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka oo wariyeyaasha la hadashay galabta.

Sidda ay ka dhawaajisay Fowziya Abiikar, bukaanada cusub 40 kamid ah waa lab, halka 24-ka kelana ay yihiin Dhegid.

Guud ahaan dalka 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sidda ku xusan warbixinta, lama soo warin dhimasho cusub oo la xiriirta Covid-19.

"Tirada kiisaska guud ahaan dalka waa 582; ma jirto qof qaba Covid-19 oo waddanka ku dhintay 24-kii saac ee lasoo dhaafay, hal qof ayaa bogsaday, tiradda guud ee caafimaaday waa 20," ayay raacisay.

Sidoo kale, tiradda guud ee la xaqiijiyey in ay u geeriyoodeen xanuunka gebi ahaanba waddanka ayaa wali ku taagan 28.

"53 boqolkiiba dadka maanta laga helay da'dooda waxay u dhaxeysaa 20 illaa iyo 39; halka kuwa jira 40 illaa iyo 59 ay yihiin 23 boqolkiiba," ayay hadalkeeda ku dartay wasiiradda.

Muqdisho ayaa safka hore kaga jirtay magaalooyinka waddanka ee ay ku sugan yihiin dadka ugu badan ee uu soo ritay Coronavirus. Tiradda illaa iyo haatan diiwaanka ku jiray waxay gaareysaa 506 ruux.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM