Muqdisho: Qarax xoogan oo lala beegsadey hotel Jazeera

Image

JUly 26, 2015 (GO)- Inta la ogyahay 10 ruux ayaa ku dhimatay qarax weyn oo ka dhacay hoteel-ka Jazira oo ku yaal agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. 

Qaraxan ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday gaari kuwa xamuulka qaada oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Wararka laga helayo Hotelka ayaa sheegaya in gaariga uu ku qarxay banaanka kore iaydoo bur bur badan soo gaarey dhismaha Hotelkaan.

Hotelka ayaa dhinaca kale ku dhow xarunta ugu weynee  Qaramada Midoobay ay ku leedahay Muqdisho.

Jazeera Hotel ayaa waxaa dagan diblomaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan hay'adaha qaramada midoobey.

 

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtey mas'uuliyada qaraxaan kadib markii qoraal ay ku shaaciyaan baraha Internetka.

Qaraxaan ayaa ku soo beegmaya xili madaxweynaha dalka Mareykanka booqasho ku joogo dalka Kenya iyadoo wadahadalka labada dhinac diirada saarayaan dagaalka ururka Al-shabaab kula jira wadamada Somali iyo Kenya. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM