Muqdisho: Qarax xoogan oo lala beegsadey hotel Jazeera

Image

JUly 26, 2015 (GO)- Inta la ogyahay 10 ruux ayaa ku dhimatay qarax weyn oo ka dhacay hoteel-ka Jazira oo ku yaal agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. 

Qaraxan ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday gaari kuwa xamuulka qaada oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Wararka laga helayo Hotelka ayaa sheegaya in gaariga uu ku qarxay banaanka kore iaydoo bur bur badan soo gaarey dhismaha Hotelkaan.

Hotelka ayaa dhinaca kale ku dhow xarunta ugu weynee  Qaramada Midoobay ay ku leedahay Muqdisho.

Jazeera Hotel ayaa waxaa dagan diblomaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan hay'adaha qaramada midoobey.

 

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtey mas'uuliyada qaraxaan kadib markii qoraal ay ku shaaciyaan baraha Internetka.

Qaraxaan ayaa ku soo beegmaya xili madaxweynaha dalka Mareykanka booqasho ku joogo dalka Kenya iyadoo wadahadalka labada dhinac diirada saarayaan dagaalka ururka Al-shabaab kula jira wadamada Somali iyo Kenya. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM