Muqdisho: sarkaal ka tirsnaa W. A. Dibadda oo la diley

Image

November 2, 2014 (GO)- Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Arimaha Dibada Dowlada Federaalka ayaa maanta lagu diley xaafadda Buulo Xuubey ee magaalada Muqdisho.

Ninkaas oo lagu magacaabi jirey Maxamed Cabdi Juusto waa qofkii sadexaad ee rayid ah ee gelinkii hore maanta oo keliya magaalada Muqdisho lagu dilo, wuxuu sidoo kale shan ka dhigayaa tirada dadka rayidka ah ee 24tii saac ugu dambeeyey la diley.

Dabley hubeysan oo gaari yar watey ayaa lagu soo waramayaa inay rasaas ku fureen gaari uu mas'uulkaasi la socdey. Rasaasta waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ugu yaraan saddex qof oo rayid ah.

Goor hore oo maanta ah degmada Dharkeynley sidan oo kale waxaa loogu toogtey labo gabdhood oo ciyaal iskool ahaa xilli ay kusii jeedeen dugsi ku yaalla xaafada Mac-macaanka.

Dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho aad bay kor ugu kaceen laga soo bilaabo bishii September, markaasoo la diley hogaamiyihii kooxda Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Al-shabaab oo laga saaray badi deegaanadii ay koonfurta Soomaaliya kaga sugnayd, waxay dilkii Godane kadib ku hanjabtay inay weeraro aargoosi ah qaadi  doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM