Muqdisho: Wasiirka Cadaaladda Somalia oo hortegaya baarlammaanka

Image

June 28, 2015 (GO)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilko-jiir) ayaa maanta hortegaya golaha baarlammaanka.

Xildhibaannada ayaa Wasiirka ka xog wareysan doona arrimo badan, waxaana qodobada ay sida gaarka ah wax uga weydiin doonaan kamid ah xaaladda garsoorka dalka iyo weliba horumarrada ay Wasaaraddu muddooyinkii u dambeeyey sameysey.

Dhanka kale, Wasiir Ilko-Jiir waxaa wax laga weydiin doonaa howsha guddiga adeegga garsoorka, guddigaas oo dhowaan baarlammaanku ansixiyey.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan kulanka maanta su'aalaha lagu weydiinayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM