Muqdisho: xoghayihii Dharkeynley iyo labo ilaalo u ahaa oo la diley

Image

July 12, 2015 (GO)- Xog-hayihii maamulka degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir Bile Axmed Abuukar iyo labo kamid ah ilaaladiisa ayaa maanta toogasho lagu diley.

Dabley hubeysan oo watey gaari ayaa tacshiirad ku furay gaari kale oo xog-yahaha iyo ilaaladiisu la socdeen, xilli ay marayeen agagaarka Kaxda.

Dableyda weerarka fulisey oo loo badinayo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada booliska ayaa daqiiqado kaddib soo gaarey agagaarka halka uu dilku ka dhacay, mana jirto ilaa iyo hadda cid falkaas loo soo qabtey.

Al-shabaab ayaa sanad walba inta lagu guda jiro bishan barakeysan ee Ramadan, waxay kordhisaa weerarrada iyo dilalalka qorsheysan ee ay la beegsaneyso mas'uuliyiinta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM