​Muqdishu: Ciidamada ammaanka oo qabtay rag Nabadoon dilay

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada Amniga Muqdishu ayaa ku guulaystay inay qabtaan labo Dhalinyaro ah, oo ay sheegeen inay dileen Nabadoon lagu magacaabi jiray Hilowle Xeefow.

Dilka Nabadoonka ayaa waxa uu ka dhacay galabta meel ku dhaw Suuqa wayn ee degmada Wadajir, waxaana dilka kadib goobta gaarey ciidamada Booliska degmadaasi oo gacanta ku dhigay Gacan-kudhiigliyaasha.

Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay Dilka Nabadoonka iyo qabashada labadii qof ee khaarajisay oo uu tilmaamay inay u gacan geliyeen Hay'adda Nabad Suguda iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA).

Dambiilayaashan, ayaa la qabtay markii ay dhaawaceen ciidamada Amaanka, xilli ay isku dayayeen inay baxsadaan, sida uu yiri Gudoomiyaha degmada Wadajir mudane Afrax.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Mas'uuliyiin kale oo laamaha amniga katirsan ayaa gaarey goobta lagu qabtay raggan.

Lama oga sababta loo dilay Nabadoonka iyo cida ay ka tirsan yihiin, balse waxaa xusid mudan in Al shabaab ay ku dileen caasimada Soomaaliya dhowr oday dhaqameed oo ay ku eedeeyeen inay ka qeyb-qaadan rabeen soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM