​MUQDISHU: Koox dhaawacday mid kamid ah Ergada doorashada

Image

MUQDISHU, Somalia- Kooxo hubaysan ayaa Xalay Muqdishu ku dhaawacay Cabdi Maxamuud Siyaad oo ka mid ahaa Ergadii ka qeyb-gashay Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose, ee maamulka Hir-Shabeelle.

Cabdi Maxamuud Siyaad ayaa dhaawac culus kasoo gaarey weerarka ay Rag Bastoolado ku hubaysan ku qaadeen Hoyga uu ka degan yahay Xaafadda Siligga-ameerikaanka ee Degmada Wadajir.

Dadka Deegaanka ayaa GO u sheegay in Kooxda Dhaawacday Cabdi Maxamuud Siyaad ay markiiba Goobta iskaga baxeen, kahor inta aysan ciidamada dowladda federaalka gaarin gurigiisa.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay weerarka lagu khaarajin rabay Cabdi Maxamuud Siyaad, oo hadda dhaawaciisa lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla Muqdishu.

Shanta Bishan, ayaa Askari katiran Illaada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu dil u gaystay Cabduqaadir Cabdi Sheekh Cali oo ka tirsanaa Ergooyinkii doortay Xildhibaanada Hir-Shabeelle.

November 16, 2016 Ciidamada AMISOM ee Ilaalada ka haya Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado ayaa toogasho ku dilay Nin ka mid ahaa Ergada wax dooraneysay.

Waxaa kasii horeeyay dil loo gaystay mid kamid ah Ergo wax ku dooranaysay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM