​MUQDISHU: Qarax ka dhacay nawaaxiga Xabsiga Godka Jilacow

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Xabsiga weyn ee loo yaqaan Godka Jilacow kaasoo lagu xiro maxaabiista dambiyada adag loo haysto.

Qarax ayaa ka dhashay baabuur walxaha qarxa laga buuxiyay kaasoo la dhigay meherad lagu magacaabo blue sky oo ka agdhow Jeelka.

Khasaaro kala duwan ayaa la sheegaya in weerarkaasi ka dhashay.

Afhayeenka ggobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay geerida Saddex ruux iyo dhaawa saddex kale.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka magaalada Muqdishu, ayaa goobta soo gaaray.

Lama oga halka bartilmaameedu ahaa, balse waxaa loo badinayaa in qaraxu ku wajahnaa Xabsiga.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, balse ururka Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyada caynkan ah ka fuliya caasumadda Somalia.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ururkaas ku eedayay mas'uuliyadda Qaraxa

Dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa iminka loo daad guraynayaa goobaha caafimaadka, kadib markii ay yimaadeen baabuurta gurmadka.

Godka Jilacow, ayaa inta badan lagu xiraa dadka loo haysto dambiyada adag, waxaana xabsi amnigiisa aad loo adkeeyay.

Augusto, 2014 ayay ahayd markii mallayshiyaad taabacsan kooxda Al Shabaab weerar ku qaadeen xaruntan.

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM