Muqdisho: saldhigga ugu weyn ciidanka AMISOM oo la weeraray

Image

December 25, 2014 (GO)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab weerar kusoo qaadeen xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Qarax weyn ayaa ka dhacay afaafka hore ee saldhigga waxaana la maqlay rasaas qadar daqiiqado ah socotey.

Afhayeen ciidamada AMISOM Kol. Cali Aadan Xaamud oo la hadlay iidacada VOA ayaa xaqiijiyey weerarka isagoo sheegay inuu khasaare geystey balse ka gaabsaday inuu faahin ka bixiyo baaxada khasaaraha.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in gaari yar oo walxaha qarxa laga  soo buuxiyey ku qarxay afaafka hore ee xerada Xalane kadibna goobta isku dayeen inay gudaha u galaan dhowr nin oo qoryaha fudud ku hubeysnaa, kuwaasoo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Wararka kusoo dhacaya warqabadka Garowe Online ayaa intaas ku daraya in ciidamada AMISOM ku guuleysteen inay weerarkaas fashiliyaan islamarkaana la laayey dhammaan xubinii weerarka soo qaadey.

Al-shabaab ayaa horay weeraro caynkan oo kale ahaa waxay ugu qaadey goobo ay kamid ahaayeen: xarunta Qaramada Midoobay, maxkamadda gobolka Banaadir, xarunta Barlamanka, madaxtooyada iyo safaaradda dalka Turkiga ee Muqdisho.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cadaadis kala kulmaysa joogitaanka Ciidanka Jubaland ee Mandheera

Kenya ayaa ah saaxiib istiraatiji ah oo Jubaland ah, iyadoo KDF ay u adeegsaneyso sida aag buffer ah oo lagula dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 11:28AM

Jubaland: Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ka leexatay ajendeyaasha qaranka

Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 09:22AM