Murashaxiinta doorashadda Soomaaliya oo Madal sameysanaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya, - Murashaxiinta madaxtinimada doorashooyinka Soomaaliya ee horaanta 2020 iyo dhamaadka 2021 ayaa isku raacay in ay sameystaan madal ay ku mideysan yihiin, sidda uu ogaadey Garowe Online.

Sidda ay xogta muujineyso, Madasha ayaa looga dhawaaqi doonaa gabagabada shirar ay ku yeelan doonan Muqdisho oo ay maalmaha soo aadan dib ugu soo laaban doonan maadaama qaarkood ay dibadda safar ugu maqan yihiin.

Tani ayaa qeyb ka ah qorshaha murashaxiinta ee ah in ay si toos ah u guda galaan arrimaha doorashooyinka soo aadan marka soo guriyaha laabtaan.

Madashaas ayaa yeelan doonta hogaan ku hadli doona afka dhamaan murashaxiinta isla markaana soo saari doono war-saxaafadeeydo kala duwan.

Iyaddoo wali aysan muuqan isu-soo-dhowaanshiyo, murashaxiin tiradoodu gaareyso 12 ayaa horey u diidey guddiyadda doorasho ee dowladda magacawdey "kadib markii ay ku dartey saraakiil sirdoon iyo shaqaale dowladeed".

Dhanka kale, illo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Farmaajo uu ku fekerayo in uu codsado in lasii bilaabo xulista mudaneyaasha Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo gobolada waqooyi.

"Maadaama hadii lasoo xulo xubnaha baarlamaanka kasoo galaya Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo gobolada waqooyi uu buux-samayo kooramka, madaxweynaha wuxuu ku fekerayaa in uu ka maarmi karo Xildhibaanada ka imaanaya maamulada kale sidda Puntland iyo Jubaland," ayay sheegeen illo wareedyadda la hadlay GO.

Farmaajo oo ku fashilmay qodobadii uu ku galay ololihii doorasho ee 2016-kii ayaa mar kale haminaya in uu soo laabto, waxaana uu u muuqanayaa mid aanan xilka ku wareejin doonin si nabad ah marka loo eego talaabooyinka uu qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM