Murashaxiinta oo afar qodob ku dalbaday warqad ay direen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Murashaxiinta ayaa qoraal ku taariikheysan 9-ka December, 2020 kuna qoran luuqadda English waxay u direen wakiiladda Beesha Caalamka u jooga magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

War-saxaafadeedka ayay ku sharaxeen mowqifkooda ku aadan coddeynta uu waddo Farmaajo, iyaga oo soo bandhigay afar qodob oo ay doonayaan in xal kama dambeys ah laga helo.

Heshiiska doorashooyinka ee September, 2020 ay Muqdisho ku gaareen madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda ayay cod dheer ku sheegeen in aysan gabi ahaanba kasoo horjeedin.

"Balse waxaan diidanahay qaabka khaldan ee loo fulinayo iyo talaabooyinka halka dhinac ah ee dowladda federaalka qaadeyso," ayay ku dareen iyaga oo diblumaasiyiinta ku booriyey in aysan " indhaba ka qarsan xaaladda qasan ee dowlada federalka ku hoggaamineyso doorashada dalka".

Murashaxiinta ayaa codsaday; in nidaamka Doorashada ay qeyb ka noqdaan musharixiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, "si uu u noqdo mid loo dhan yahay".

Sidoo kale, waxay soo jeediyeen in la qaado tallaabo lagu saxayo "khaladaadka dhacay, laguna abuurayo jawi ay ku dhici karto doorasho xor iyo xlaal ah iyo in meel milateriga ka caagan laga dhigo Gobolka Gedo ee dowlada haysato".

Warqadda murashaxiinta ayaa waxay kusoo hagaageysaa iyadda oo khilaafka ka taagan xubnaha guddiyadda doorashooyinka uu u muuqdo mid aan wali la xalin iyadda oo is-mari-waaga uu taagan yahay labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM