Mursal iyo Sheekh oo isku qabtay masiirka 8-da Febraayo

Image

GAROWE, Puntland – Afhayeenka Aqalka Hoose baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaadey iyo madaxweynihii 8aad ee waddanka ayaa dood kulul ku dhexmartay maalinta labaad ee shirka Garowe.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku kala aragti-duwanaadey su'aasha ah "Maxaa dhici kara 8-da Febraayo hadii muddo xileedka dowladda dhaco ayada oo aan geedi u socod lagu heshiin?"

Mursal oo waydiintan si toos ah u wajahay markii ugu horeysay tan iyo markii xukunka qabtay ayaa difaacay dood uu horey miiska u soo saarey taasoo ahayd in baarlamaanka sii shaqeynayo inta ka imaanaya midka bedelaya.

"Waxaa dhici doonta wixii dhacay 2016-kii," ayuu ku warceliyey asaga oo soo xiganaya kororsiga Xasan Sheekh sameystay waqti xaadirkaas.

Hasa ahaatee, Xasan Sheekh oo cod-baahiyaha loo wareejiyay dhankiisa ayaa gaashaanka ku dhuftay jawaabta Mursal wuxuuna carabka ku dhuftay in haatan aan la aqbali karin kororsi maadaama shaqo socota aysan jirin.

"8-da Febraayo hadii doorasho aysan dhicin, waxbana aysan socon ma naqaano waxa dhacaya oo ma aha wax horey noosoo maray," ayuu xusay.

Hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa sheegay in waqtigii dheereysiga loo sameynayey dowladiisa ay socotay xulista baarlamaanka isla markaana waqti xaadirkan aysan jirin shaqo muuqata oo socota.

8-da Febraayo waa maalinta uu ku eg-yahay muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne Farmaajo kaasoo maamulkiisa wajahayo eedeymo la xiriira isku-dayga qabashada doorasho la dhinac ah arrintaas oo laga digay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM