Mursal oo shuruud ku xiray kala taga BF kadib dhamaadka xil-heyntooda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa Isniinta maanta ah shuruud ku xiray in ay kala tagaan kadib dhamaadka xil-heyntooda.

Mursal oo ka hadlayay fadhi ay mudaneyaasha yeesheen ayaa daaha ka rogay in ay xafiiska sii joogayaan inta ay ka imaanayaan Xildhibaano bedela.

"Illaa qorshaha doorashadda ay dhameystiraan dowlad goboleedyadda iyo hay'addaha kale federaalka ee u xilsaaran qabashada doorashada baarlamaanka wuu shaqeynayaa," ayuu kaga dhawaajiyey luuqad dabacsan.

Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa wuxuu intaas ku daray: "Muddo xileedka baarlamaankan wuxuu dhamaanayaa bisha December 27-deeda; in laba meelood meel kamid ah baarlamaanka kale uu diyaar ahaado; hadii uu diyaar ahaan waayo mala kala tegayaa? su'aal ah ayaa la is-waydiinayaa. Illaa hay'addahan hay'addii bedeli lahayd ka imaaneyso baarlamaankan wuu shaqeynayaa".

"Caalamka kama jirto baarlamaan isagoo aysan imaan baarlamaankii bedeli lahaa iska kala tegaya," ayuu xusay Mursal oo daacad u ah Villa Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyaddoo uu dib u dhac ku yimid fulinta jadwalkii doorashadda ee ay ku heshiiyeen dowladda iyo maamuladda kaasoo xeerinaya in 1-da November ay bilaabato soo xulista sharci-dejiyeyaasha cusub.

Illaa haatan si dhab ah looma ogga sababta baaqashadda keentay, hase ahaatee, waxay kusoo hagaagtay iyaddoo ay is-mari-waa ka jiraan dhinacyadda magacaabida guddiyadda doorashadda si gaar ah wakiilada Somaliland.

Villa Soomaaliya ayaa dooneysa in guddiyadda ay ku bataan xubno taabacsan qorshaha soo laabashadda Farmaajo gaar ahaan mas'uuliyiinta ka imaaneysa Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo gobolada waqooyi.

Tani oo durba ay muuqaneyso in ay dharbaaxo ku noqotay dhaqan-galka heshiiska doorashooyinka ayaa dhabaha u xaari karta cawaaqib-xumo siyaasadeed iyo hubnati la'aanta ku xoogeysata in dalka si nabad uga baxayo kala guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM