Musharax ka hadlay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War-saxaafadeed uu soo saaray maanta Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya sannadka 2021 Dr. Abdinasir Abdille Mohamed ayuu kaga hadlay kiiska dacwadda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya isagoo sheegay in ay lama taabtaan tahay xuduudda badeed, dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

"Waxaan garab taagannahay qareennada difaacaya xuduud-badeedka qarankeenna, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan oo taageeraan qareennada difaacaya baddeenna.” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir.

Sidoo kale wuxuu sheegay in la joogo waqtigii ay shacabka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen qaddiyadda badda oo ay taageeri lahaayeen qareennada kiiska dacwadda gacanta ku haya isagoo sheegay in Soomaaliya ay ku guulaysan doonto.

"Shacabka Soomaaliyeed waa in ay marwalba feejignaan badan muujiyaan arrinta kiiska badda iyo inay taageero buuxda siiyaan qareennada difaacaya qaddiyaddeenna si loo xaqiijiyo guusha Soomaaliya, Sidoo kale qareennada difaacaya baddeena waxaa looga baahanyahay inay marwalba naga haqabtiraan hadba meesha uu marayo kiiska baddeenna oo ay Shacabka Soomaaliyeed lasoo wadaagaan si joogto ah, waxaan rajaynayaa in xaqu u hiili doono Soomaaliya oo ay ku guulaysan doonto dacwaddaas inshallaah.” ayuu kusoo gabagebeeyey.

Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa la filayaa inay qabato 15 bisha Maarso dhegaysiga dacwadda kiiska badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM