Musharaxiinta oo mar kale dib u dhigay banaanbaxa

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa sheegay in ay dib u dhigeen banaanbaxii loo balansanaa maalinta berri ah ee bilowdaga todobaadka dambe.

Balse waxay sheegeen in aysan ka tanaasulin isla markaana dib la shaacin doonan maalinta xigta iyo goobta uu ku qabsoomi doono mudaaharaadkaas.

Amniga isu-soo-baxaas ayay hoosta ka xariiqeen in ay ayaga sugi doonan maadaama aysan kalsooni badan ku qabi karin ciidamadda dowladda waqtiga ka ka dhamaadey.

Dowladda federaalka ah ayay dhaleeceeyeen in ay baalmartay heshiiskii ay la galeen todobaadkan kaasoo dhigayey in ay kawada shaqeeyaan abaabulka dibad-baxa.

Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo warfidiyeenka u waramay kadib shir ay ku yeesheen Hotel Jazeera, ayaa u mahadceliyey abaabuleyaasha banaanbaxa.

Xasan Sheekh Maxamuud oo kamid ah golaha lana hadlay saxaafadda, ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay kasoo qeybgalaan banaanbaxa ay dib kaga dhawaaqi doonan.

Dib-u-dhaca banaanbaxa ayaa kusoo aadaya ka gedaal markii xukuumadda xil-gaarsiinta iyo musharaxiinta isku fahmi waayeen kaalintooda wadahadalka arrimaha doorashada.

GAROWE ONLINR

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM