Musharaxiinta oo Farmaajo uga digay fashilinta wadahadalada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa wuxuu uga digay madaxwaynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo in uu xagal-daaciyo wadahadalka Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Ishabeysiga Mucaaradka.

Musharaxiinta oo war-saxaafadeed kasoo saarey shir ay maanta ku yeesheen Hotel Jazeera ee Muqdisho ayaa ku baaqay in fursad la siiyo wadaxaajoodyadda bilowday todobaadyadii lasoo dhaafay.

Digniinta ayaa ka dambeysay markii Farmaajo uu iclaamiyey shir qabsoomaya maalinta Khamiista ee todobaadkan oo qorshuhu yahay in ay mar kale isa soo hor-fadhiiistaan Rooble iyo xubnaha Musharaxiinta.

Warka qoraalka ee musharaxiinta waxaa warbaahinta u akhriyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kaasoo ka dhawaajiyey in Farmaajo uusan sharciyad u haysan in uu shir isugu yeeray maamulada dalka.

Warsame oo ku hadlayey afka Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda ayaa muujiyey in uu rumeysan yahay in shirkaas uu Farmaajo ku dhawaaqay uu carqalad ku yahay wadaxaajoodyadda.

"Waxaa nasiib darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey uu si ola kac ah u xagal-daacinayo wadahalada u dhaxeeyo Midowga Musharaxiinta iyo Ra'iisul Wasaaraha kadib markii uu isla maalintii shirka loogu balansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn isugu yeeridiisa kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadahadaladda u dhaxeeyo Ra'iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta," ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta.

Bayaanka ayaa ku daray: "Hadaba golaha midowga musharaxiinta wuxuu ka digayaa cawaaqib-xumada ka dhalan karta in la fashiliyo wadahadaladaas, wuxuuna ku baaqayaa in fursad la siiyo wadahadalka".

Dadweynaha ayay ugu baaqeen in ay kasoo qeybgalaan mudaaharaadka nabadeed ee qorshuhu yahay in uu qabsoomo maalinta Sabtidda ah ee todobaadka nagu soo fool leh.

Ugu dambeyntii, Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil-sii-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Beesha Caalamka iyo madaxda maamul goboleedyada ayay ku booriyeen in aysan qeyb ka noqon "falalka guracan ee Farmaajo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM