Musharaxiinta oo Farmaajo uga digay fashilinta wadahadalada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa wuxuu uga digay madaxwaynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo in uu xagal-daaciyo wadahadalka Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Ishabeysiga Mucaaradka.

Musharaxiinta oo war-saxaafadeed kasoo saarey shir ay maanta ku yeesheen Hotel Jazeera ee Muqdisho ayaa ku baaqay in fursad la siiyo wadaxaajoodyadda bilowday todobaadyadii lasoo dhaafay.

Digniinta ayaa ka dambeysay markii Farmaajo uu iclaamiyey shir qabsoomaya maalinta Khamiista ee todobaadkan oo qorshuhu yahay in ay mar kale isa soo hor-fadhiiistaan Rooble iyo xubnaha Musharaxiinta.

Warka qoraalka ee musharaxiinta waxaa warbaahinta u akhriyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kaasoo ka dhawaajiyey in Farmaajo uusan sharciyad u haysan in uu shir isugu yeeray maamulada dalka.

Warsame oo ku hadlayey afka Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda ayaa muujiyey in uu rumeysan yahay in shirkaas uu Farmaajo ku dhawaaqay uu carqalad ku yahay wadaxaajoodyadda.

"Waxaa nasiib darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey uu si ola kac ah u xagal-daacinayo wadahalada u dhaxeeyo Midowga Musharaxiinta iyo Ra'iisul Wasaaraha kadib markii uu isla maalintii shirka loogu balansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn isugu yeeridiisa kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadahadaladda u dhaxeeyo Ra'iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta," ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta.

Bayaanka ayaa ku daray: "Hadaba golaha midowga musharaxiinta wuxuu ka digayaa cawaaqib-xumada ka dhalan karta in la fashiliyo wadahadaladaas, wuxuuna ku baaqayaa in fursad la siiyo wadahadalka".

Dadweynaha ayay ugu baaqeen in ay kasoo qeybgalaan mudaaharaadka nabadeed ee qorshuhu yahay in uu qabsoomo maalinta Sabtidda ah ee todobaadka nagu soo fool leh.

Ugu dambeyntii, Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil-sii-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Beesha Caalamka iyo madaxda maamul goboleedyada ayay ku booriyeen in aysan qeyb ka noqon "falalka guracan ee Farmaajo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM