Musharaxiinta oo qaylo-dhaan u diray Golaha Ammaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay waxay u direen warqad furan kahor shirka gaarka ah ee loo balansan-yahay Isniinta maanta ah.

Warqadda ayay cod dheer waxay ku dalbadeen in goluhu soo farageliyo arrimaha Soomaaliya gaar ahaan in ay fududeeyaan in si degdeg ah loo dhaqan-geliyo geedi-u-socodka doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyada.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayay cod dheer ugu eedeeyeen in uu "ku talagalay in uu xukunka isku dhejiyo".

Farmaajo ayay tibaaxeen in uu isku dayay in uu khaarijiyo qaar kamid ah Musharaxiinta, talaabadaas oo ay qeexeen in ay halisteeda leedahay.

Sheegashadda ku saabsan isku-dayga dilka ayaa cirka isku-shareertay ka gedaal markii ciidamadda dowladda ay laba jeer beegsadeen musharaxiinta.

Habeenimadii Khamiista, ciidamo ka amar-qaata saraakiil ku dhow ayaa beegsaday Hotel Maa'ida oo ay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed u dageen abaabulka banaanbax ka dhan ah dowlada Farmaajo.

Maalintii Jimcaha, ciidamadda ayaa rasaas hubiyey banaanbax ay horkacayeen Musharaxiin ay ku jiraan Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Labadaas fal waxaa ka dhashay khasaaro aan la shaacin.

Hoos ka akhriso qoraalka Musharaxiinta

Image

Image

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM