Musharaxiinta oo qodobo kasoo saarey shirka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in ay si weyn u soo dhaweynayaan shirka lagu waddo in uu Muqdisho ku dhexmaro Dowladda iyo Maamuladda dalka.

Shirka dowladda federaalka ah iyo maamuladda oo ay soo agaasintay Beesha Caalamka ayaa qorshuhu yahay in ay diiradda lagu saaro xalka muranka doorashooyinka.

Qoraal ay Arbacada maanta ah soo saareen ayay ku soo bandhigeen saddex shuruud oo ay sheegeen in muhiim ay tahay in ka xaqiijiyo kahor inta aysan taageero buuxda siinin wadahadalka.

Shuruudaha ay soo bandhigeen ayaa kala ah; in uu noqdo mid loo-dhan yahay, in uu xakameynayo awooda madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey iyo Mid natiijadiisa la wada-ogol yahay.

"Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in guushu dhowdahay hadii Allah raali ka noqdo, dalkuna doorasho raali laga wada yahay geli doono, hogaan cusubna yeelan doono," ayay xuseen.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, musharaxiinta ayaa walaac xoogan ka muujinaya xaaladda ammaan ee dalka gaar ahaan weeraradda isa soo taraya ee maleyshiyada Al-Shabaab.

"Waa arrin aad looga xumaado in magaalada Muqdisho amni-xumo darteeda loogu shiri kari waayo oo madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaadey uu dalka u horseedo in Xalane la maciin bido," ayay qoreen.

Dhanka kale, dadweynaha ayay ku tartarsiiyeen in ay aad uga taxadiraan safmareenka Covid-19 isla markaana ay raacaan tallooyinka ka imaanaya bahda caafimaadka.

Ugu dambeyntii, golaha musharaxiinta ayaa sheegay in ay si xoogan u cambaareynayaan weeraradii Al-Shabaab u dambeeyay ka fuliyeen magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ee gobolada Bari iyo Banaadir.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM