Musharaxiinta oo soo dhaweeyay baaqa Puntland iyo Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa soo dhaweeyay magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

"Wuxuu kaloo soo dhaweynayaa in ay shir degdeg ah ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murashaxiinta iyo Bulshada Rayidka ah si xal wadar oggol ah loogu helo caqabadaha ku gudban hirgelinta heshiiskii 17-kii September 2020," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay musharaxiinta.

Musharaxiinta ayaa dalbadey in la hubiyo meesha laga saaro xubnaha ay dureen ee kamid ah guddiyadda lagu muransan-yahay ee doorashooyinka.

"Waxaan diyaar u nahay in aan gudbino liiska hadii la helo goob iyo qaab loo hubiyo guddiyadda," ayay hoosta ka xariiqeen.

Madaxweyne Farmaajo ayay ku booriyeen in uu qaato "kaalin mas'uuliyadeed si loo xaliyo caqabadaha hortaagan doorashooyinka". Qodobada la isku hayo waa guddiyadda lagu muransan-yahay, xulista wakiilada Somaliland, iyo ciidamadda dowladda geysay gobolka Gedo.

Beesha Caalamka ayay ugu baaqeen in ay xoojiso dedaaladda ay xalka ugu goobeyso khilaafka jira, waxayna madaxweyne Farmaajo uga digeen in uy qabto doorasho hal dhinac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM