Muudey oo Beesha Caalamka ka dalbaday inay tallaabo ka qaado Jawaari

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa ka hadlay baaqashada kulankii maanta.

Shir Jaraa'id oo uu ku qabtey Muqdisho, ayaa Muudey ku sheegay in wixii maanta ka dhacay xarunta Gollaha shacabka ay ahaayeen wax laga xumaado, isagoo ku eedeeyay Jawaari iyo ku xigeenkiisa 2aad Mahad Cabdalla Cawad inuu mas'uul ka yahay.

Muudey ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Beesha caalamka ugu baaqay inay baaraan fowdadii maanta ka dhacday Gollaha Shacabka, islamarkaana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan gudoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in Ciidamo lagu qabsaday xarunta, kadibna laga hor-istaagey Xildhibaanada inay gutaan waajibkooda dastuuriga ah, kana doodaan Mooshinka ka dhanka ah Jawaari. Halkan ka akhri Warbixinta.

Hadalka Muudey ayaa yimid kadib markii uu maanta baaqday Kulan laba ajande ah oo labo garab oo Xildhibaanno ah, oo katirsan Gollaha shacabka ay yeelan lahaayeen, kaasi oo qalalaase dhacay u baaqday.

Sabtidii lasoo dhaafay, Madaxweyne Farmaajo ayaa baajiyay isla kulankan, kadib markii laga baqay inay dhibaato dhacdo, maadaam dhinacyada ay kala iclaamiyeen labo ajande oo iska soo horjeeda.

Muudey iyo Jawaari ayaa midna ku guuleysay inuu qabsado kulanka uu rabey maanta, waxaana Khilaafka Siyaasadeed yeelanayaa waji cusub, iyadoo laga yaabo in beesha caalamka soo farageliso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM