Muuqaalka duqeyn lala eegtay Al-Shababa oo la faafiyey

Image

WASHINGTON, US – Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa soo saaray cajalad fiidiyoow ah kuna saabsan labo duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xeryaha Al-Shabaab ee agagaarka Kuunya-barrow, Shabeellada Hoose maalinta koowaad ee sanadka cusub. Baahinta waxay timid saacado ka dib markii la weydiistay fahfaahinta khasaaraha ka dhashay howlgalka.

AFRICOM ayaa faafisay muuqaalka kadib markii warbaahinta taageerta Al-Shabaab ay soo bandhigtay sawirro muujinaya burburka xarunta Al-Furqaan, oo ah mid ka mid ah idaacadaha maleyshiyadda taasoo muddo dheer ku jirtay liiska kamid ah bartilmaameedka ciidamadda ammaanka.

Idaacadaha Al-Furqaan iyo Andalus ayaa caan ku ah faafinta dacaayadaha Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya "si ay u duufsadaan dhalinta".

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaan lagu xaqiijin in bartilmaameedka uu ahaa labadda idaacadood balse waxay xuseen in ay ku burburiyeen todoba dhisme kuna dileen saddex dagaalame mid kalana uu ku dhaawacmay.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in aysan jirin waxyeelo rayid kasoo gaarey duqeyn, wallow Al-Shabaab ay shaacisay arrintaas.

"Ficilkani wuxuu si cad u muujinayaa sida aan wali ugu heelan nahay Soomaaliya iyo wadamada aan bahwadaagta nahay," ayuu yiri Gaashaanle Sarre Joel Tyler, oo ah agaasimaha howlgalada ee Taliska Mareykanka ee Afrika.

Wuxuu ku daray: "Waxaan sii wadi doonaa mar walbana diyaar u nahay bgeesiga shabakada argagixisada Al-Shabaab si loo ilaaliyo ammaanka gobolka, danaha Mareykanak iyo xulafadiisa iyo ugu dambeyntiina, qarankeena".

Howlgalkan ayaa kusoo hagaagay xilli Mareykanka uu isku diyaarinayo in ciidamadda ka jooga Soomaaliya uu sanadkan 2021 u wareejiyo Jabuuti iyo Kenya kadib amar lama filaan oo kasoo baxay madaxweyne Donald Trump kaasoo fulintiisa ay bilaabatay isla markaana biyaha Soomaaliya loosoo diray markab nooca dagaalka ah oo ciidamadda ka saacidaya howlaga bixida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM