Turki ku dhaawacantay qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho

Image
Kooxda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda weerarkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Afar qof Turki ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay waddada dhinaceeda gudaha Muqdisho Khamiistii, sida ay sheegeen illo dhanka caafimaadka ah. Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Hodan.

Kooxda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda weerarkan. Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan wali wax fahfaahin ah ka bixin.

Qoraal ay ku faafisay mareegga ay ku leedahay internet-ka ayay maleyshiyadda ku sheegtay in "howlgalkan uu qeyb ka yahay weeraradda ay ku beegsaneyso ajaaniibta kusoo duulay dalka".

Sarkaal ka tirsan safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa u sheegay Garowe Online in ay "heleen warka ku saabsan weerarka lala eegtay muwaadiniinta Turkiga waxaana uga falcelin doonaa sida ugu macquulsan waqtiga ku haboon".

27/01/2021, ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, ruux kalana wuu ku dhaawacmay qarax ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye kaasoo lala eegtay gaariga shirkadda dhistey jidka Muqdisho iyo Afgooye.

01/02/2021, hal muwaadin Turki ah ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye. Shaqsigaas wuxuu kamid ahaa Injineeradda dhistay wadada isku xirta labadan magaalo.

Turkiga ayaa cilaaqaad dhow la leh maamulka waqtiga ka dhamaadey ee Farmaajo kaasoo baaq ku ah xafiiska iyadda oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey shan sano kahor kuna fashilmay daadihinta doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM