Muwaadiniin u dhashay India oo "lahaysteyaal ku noqdey Muqdisho"

Image

NEW DELHI, India – Soddon iyo saddex muwaadiniin u dhashay India kuwaasoo u shaqeyayey shirkadda SOM Steel Limited ee fadhigeedu yahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu waramay in ay haysto xaalad adag.

Mareegga Live Hindustan ayaa wariyey in howlwadeenadan qandaraaska la galay shirkadda 1-dii Janaayo ee sanadkan ay yihiin "lahaysteyaal" laga jartay cunada iyo korontada aysana helin wax mushahar ah bilooyinkii u dambeeyay.

Qoysaskooda ku nool gudaha waddanka Hindiya ayaa, sidda ku xusan warbixin, waxay u direen sawirro iyo muuqaal muujinaya xaaladooda qalafsan.

Guddiga xuquuqul insaanka India oo la xiriiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas waxay u xaqiijisay in ay xorriyadooda heli doonan dhowaan.

Sidda ku cad warbixinta uu daabacay boggan, shaqaalahan oo kaliya mushahar qaatay laba bilood ayay shirkadda ka hor istaagtay in ay safraan isla markaana kala wareegtay baasaboorkooda, waxayna ula dhaqantay si fool xun.

Safaaradda India ee Nairobi ayaa lagu waramay in ay la xiriirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayna kawada xaajoodeen sidii loo dhameyn lahaa xaaladda howlwadeenadan isla markaana dalkooda ugu noqon lahaayeen.

Isku dayo uu warisdaha Garowe Online sameeyay si uu ula xiriiro Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo shirkadda la eedeeyay ma guuleysan.

Cabashooyinka ka imaanaya ajaaniibta ka howlgaleysa waddanka ayaa sanadihii ugu dambeeyay isa soo tarayay. Inta badan dowladda waxay kiisaskooda ku xalisaa daaha gedaashiisa, waxaana laga qariyaa warbaahinta madaxa-banaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM