Fahad Yaasiin Daahir oo la kulmay taliyaha sirdoonka Talyaaniga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha hay'adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Talyaaniga ayaa socdaal aan lasii shaacin wuxuu ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Jeneraal Giovanni Caravelli oo kasoo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa wuxuu la kulmay dhigiisa Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Sidda lagu sheegay qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya, labada agaasime ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirkooda.

"Taliyaha Siradoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho ayaa la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxayna ka wadahadleen sare u qaadida & xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac," ayaa lagu yiri qoraalka.

Hasayeeshee, qoraalka ayaanan lagu caddeynin goorta uu Caravelli yimid iyo ujeedada dhabta ah rr ka dambeysa socdaalkiisa.

Fahad ayaa si dhow wuxuu ula socday soo furashadda haweenaydii Talyaaniga u dhalatay ee Salvia Romano taasoo horaantii sanadkan laga soo badbaadiyey Al-Shabaab.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa warisay in Salvia lagu soo furtey lacag isla markaana wadahadal uu garwadeen ka ahaa Fahad Yaasiin kagu soo daayey haweenaydan Muslimtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM