Muxuu Imaaraadka u diidey in uu ku lug-yeesho sii deynta Silvia Romano?

Image

ABU DHABI, UAE – Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu shuruud ku xiray in uu qeyb ka noqdo howlgalkii lagu soo badbaadiyey Silvia Romano, sidda uu ku waramay mareega Talyaaniga kasoo baxa ee Varese Press.

Sidda ku xusan warbixinta, kahor inta uusan Turkiga u wareegan markii dalabka uu fulin waayey, Talyaaniga ayaa kolkii hore waydiistay Imaaraadka Carabta in uu gacan ku siiyo soo furashadda haweenayda.

Hase ahaatee, xukuumadda Abu Dhabi ayaa hor-dhigtay Roma in ay bedesho booska ay ka cayaareyso siyaasadda Libya oo ah taageeradda ay u muujisay Dowladda Caalamka aqoonsan yahay ee dalkaas.

Imaaraadka Carabta iyo dalal kale oo reer Galbeed ah ayaa garab-taagan Jeneraalka awooda badan ee Khaliif Xaftaar iyo maleeshiyadiisa oo gacanta u hayo magaalooyin hodan ku ah kheyraad dabiici ah.

Talyaaniga iyo Turkiga ayaa ka mideysan taageerida dowladda caalamka aqoonsan yahay ee Libya. Balse, waxaa calaamad su'aal la gelinayaa sababta kolkii hore Roma taageerada u waydiisan wayday Ankara.

Silvia Romano oo gudaha Kenya laga qafaashay bishii November ee sanadkii 2018-kii ayaa horaantii 2020-ka heshay xorriyadeeda kadib howlgal ay sameeyeen sirdoonka, Soomaaliya, Turkiga iyo Talyaaniga.

Warbaahinta maxaliga ah ee Italy ayaa warisay in madax furasho dhan ku dhowaad 3 milyan oo Doolar lagu soo daayey Romano isla markaana gorgortanka lacagtaas ay fududeysay dowladda Qadar.

Illaa iyo haatan, xukuumaddaha ayaanan si furan uga jawaabin sheekooyinka ku geedaaman soo badbaadinta Silvia Romano oo ka shaqeyneysay arrimaha samafalka isla markaana hogaamineysay hay'ad maxali ah.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab oo lala xiriiriyey afduubka haweenayda ayaanan beenin in ay lacag ku qaateen sii deynteeda, balse waxay qashinka ku dareen in afhayeenkooda uu ka hadlay arrintaan.

Mudadii ay la haystaha ahayd, Silvia Romano ayaa kusoo biirtay Diinta Islaamka, taas oo ay shacabka dalkeeda ka caroodeen markii ay dib ugu laabatay. Haweenayda waxay difaacday go'aanka ay ku Islaamtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM