Muxuu Kala Kulmay Madaxa WHO Garoonka Diyaaradaha Sanca, Yemen?
Sanca, Yemen - Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, iyo xubno kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Yemen, Sanca, khamiistii xilli ay Israel fulisay duqeyn cirka ah oo lagu soo warramay inay dishay ugu yaraan lix qof.
Dr. Tedros ayaa sheegay in isaga iyo kooxdiisu ay diyaarad rabeen iney halkaas ka raacaan markii weerarradu bilowdeen. Warbaahinta Saba ee ay maamulaan Xuutiyiinta ayaa sheegtay in saddex qof lagu dilay garoonka halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale, waxa ay wararku tilmaameen in saddex qof oo kale lagu dilay gobolka Hudeeda oo galbeedka Yemen ku yaal, halka 10 kale ay ku dhaawacmeen.
Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iran ayaa weerarradan ku tilmaamay kuwo “arxan-darro ah,” halka milateriga Israel uu sheegay inay fuliyeen duqeymo “ku saleysan xog sirdoon” oo lagu bartilmaameedsaday “bartilmaameedyo ciidan.” Lama caddeyn in dadka ku dhintay weerarrada ay ahaayeen shacab ama xubno ka tirsan Xuutiyiinta.
Dr. Tedros ayaa qoraal uu soo dhigay barta X (hore Twitter) ku sheegay inuu Yemen u joogay “ka shaqeynta sii deynta shaqaale QM oo la haysto iyo qiimeynta xaaladda caafimaad iyo bini’aadantinimo ee dalka.” Si kastaba, faahfaahin dheeraad ah kama bixin shaqaalaha la haysto.
Duqeymaha Garoonka Sanca iyo Codsiga QM
Madaxa WHO ayaa sheegay in weerarku burburiyey qaybaha garoonka, oo ay ku jiraan saqafka maamulka duulista, hoolka diyaaradaha laga raaco oo ku dhow meesha ay joogeen, iyo wadada diyaaradaha.
Xoghayaha Guud ee QM, António Guterres, ayaa weerarrada ku tilmaamay “kuwa si gaar ah u cabsi gelinaya,” isagoo sheegay inuu ka walwalsan yahay “kordhinta khatarta dagaalka gobolka.” Qoraal uu soo dhigay barta X ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay “xaalada kacsan oo sii kordhaysa ee Yemen iyo Israel.”
Duqeymaha iyo Jawaabta Israel
Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa bayaan ku sheegay in duqeymaha ay bartilmaameedsadeen “kaabayaasha ciidamada” ee garoonka Sanca, xarumaha korontada ee Hezyaz iyo Ras Kanatib, iyo dekedaha Al-Hudaydah, Salif, iyo Ras Kanatib oo dhaca galbeedka Yemen.
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in weerarada lagu “jari doono gacanta argagixisada Iran.” Isagoo ku hanjabay in dagaalka Xuutiyiinta uu yahay bilow, wuxuu intaas ku daray in Israel ay sii wadi doonto “ku adkeysiga” bartilmaameedyada kooxdan.
Dhibaatada iyo Jawaabta Caalamka
Duqeymaha ayaa sidoo kale saameeyey dadka deegaanka. Qof isbitaal ka shaqeeya oo lagu magacaabo Dr. Abbas Rajeh ayaa sheegay in isbitaalka uu ku jiro uu daweeyey 10 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba, mid ka mid ahna uu u dhintay dhaawacyadiisa. Dowladda Iran ayaa weerarrada ku tilmaantay “jebinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.”
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza bishii Oktoobar 2023, Xuutiyiinta ayaa weerarro kala duwan ku qaaday Israel. Todobaadkii hore, gantaal ay rideen Xuutiyiinta ayaa dhaawacay dad ka badan toban qof oo Israel ah. Israel ayaa weerarro kala duwan uga jawaabtay weerarradaas, iyadoo dhawaan ku hanjabtay inay “dabar-jari doonto” hoggaanka Xuutiyiinta.
Kooxda Xuutiyiinta, oo ah urur siyaasadeed iyo diimeed hubaysan, ayaa maamula inta badan galbeedka Yemen tan iyo markii ay 2015-kii xukunka ka tuureen dowladdii caalamku aqoonsanaa.
GAROWE ONLINE