Muxuu ku saabsan yahay Heshiiska cusub ee Jabuuti la gashay dowladda Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa Sabtidii kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu dhisayo hannaan rasmi ah oo lagu yeelan doono wadatashi siyaasadeed oo joogto ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen.

Heshiiska waxaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Danjire Cabdulkaadir Xuseen Cumar.

Ujeedada heshiiskan ayaa ah in la xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed, laguna horumariyo danaha labada dal ee heer gobol iyo heer caalami. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, amniga, xasilloonida gobolka, iyo arrimaha caalamiga ah ee ay labada dal danaha wadaagaan.

Labada wasiir ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso iskaashi dhow oo u horseedi kara nabad, horumar iyo barwaaqo guud ahaan Geeska Afrika.

Inkasta oo aysan jirin faahfaahin dheeri ah oo laga bixiyay qodobbada ku jira heshiiska, haddana mas’uuliyiinta labada dal ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay mid dhabbaha u xaareysa xiriir siyaasadeed oo qoto dheer.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa leh xiriir taariikhi ah oo ku saleysan hiddo, dhaqan iyo dano dhaqaale oo ay wadaagaan, iyadoo labada dal ay muddo dheer ku howlanaayeen sidii ay u sii xoojin lahaayeen iskaashigooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM