Muxuu ku saabsan yahay kulanka Xasan Sheekh uga qeybgalay Tanzania?

Image

ARUSH - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya kaga qeybgalay Madasha Heerka Sare ee Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo lagu xusayay sannad-guuradii 25-aad ee aas-aaska EAC.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray heerarkii kala duwanaa ee EAC ay soo martay, guulaha la gaaray, iyo himilooyinka mustaqbalka ee ururka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururka, si loo wajaho caqabadaha guud, loo dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida, loogana faa’iideysto fursadaha iyo awoodaha baaxadda leh ee gobolku leeyahay.

Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda kobcinta dhaqaale oo waara iyo in la abuuro mustaqbal ifaya oo dan u ah dhammaan shucuubta ku nool Bariga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM