Muxuu lasoo shir-tagey Guddigii BF ee xeerka dhammeystirka doorashada?
MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa luuqad siyaasadeed ku fahfaahiyey warbixintii shalay Guddigii loo xilsaaray xeerka dhammeystirka doorashooyinka u gudbiyeen Aqalka Hoose.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareegaha Facebook ayuu kusoo bandhigay afar qodob oo uu sheegay in ay lasoo shir-tageen guddiga.
Guddigaan waxaa magacaabay guddoonka labadda Aqal, waxaana waajibaadkoodu ahaa diyaarinta xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka oo ay diidmo kala kulmay dowlad goboleedyada.
Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga
Guddigii loo xilsaaray xeerka dhammeystirka doorashooyinka waxey la soo shirtageen.
1- Kuraas xawilaad ah: Saaxiibow kursiga ii soo xawil. Maxaa dhacay? Deegaankii aan doorashadii hore ka soo galay la iskuma halleyn karo, maxaa dhacay? Haramcad, Gorgor iyo Nabadasugidda Eritrea lagu soo tababaray ma joogaan. Deegaanka aad rabto qabiilkaaga ma deganyahay? Dan kama lihi deegaan iyo qabiil. Haye waa kuu beddelnay.
2- Muqdisho kuraas xildhibaanno ma laha, laakiin waxaa lagu soo xawilayaa kuraasta dadka aan deegaankooda tegi karin, ama ka cabsanaya in deegaankooda laga soo dooran waayo. Laakiin si aysan reer Muqdisho inoo fahmin aan 7 Kursi oo Aqalka Sare ah oo hannaanka Baarlamaanka ku dhisanyahay oo ( 4.5) ah aan ku tuurno. Muqdisho maqaamkeediina? Hadda xoog looma helo? Oo
managa yeelayaan? Sow tii ay mudaaharaad ku taageereen maaha? Tan kale reer Muqdisho dareen siyaasadeed iyo dadnimo ay waxaan ku fahmaan malaha, daaraha dhaadheer ayaa u daran.
3- Waxey kaloo dheheen kuraasta xildhibaannada Somaliland waxaa soo dooranaya ergooyin 81 iyo ka badan, laakiin kuraasta kale toos ayaa loo soo dooranayaa. Oo sideey xildhibaan ergo soo dooratay iyo xildhibaan dadwayne soo doorteen isku Baarlamaan u soo gelayaan? Sow Dastuurka iyo sharciga doorashooyinka ma khilaafsana? War dadkaan haddii ay dastuur iyo sharci fiirinayaan miyaa doorasho qof iyo cod iyo kuraas qabiil isi soo waafajiya nala oran lahaa?
4- Kuraasta Baarlamaanka waxba iskama beddelin waa sidoodii. Waa 275 oo 4.5 ah. Waayahaee su’aal, oo haddii ay sidaas tahay maa qabiilka loo daayo ama dowlad goboleedka. Maya kuraasta qabiil ayaa leh, doorashadana dowlad goboleedyada ayey ka dhaceysaa, laakiin qaybinteeda iyo qoyndeynteeda annaga ayaa leh. Ka warama kuraasta aan weli la xawlin? Aniga qaar ayaan xawilnay, ruuxii xawilaad kursi raba, halla xariiro xafiiska Guddiga Doorashooyinka.
Dhamaan qodobada uu ka dhawaajiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kamid ah arrimaha ugu waaweyn ee leysku hayo ayna maamulada iyo saamileyda dalbanayaan in heshiis laga gaaro kahor coddeynta 2020-21.
GAROWE ONLINE