Muxuu yahay ujeedka safarka Xasan Sheekh ee Turkiga?

Image
Turkiga ayaa hoos u dhigay tababarka ciidankaan wixii ka dambeeyay 7 February 2021.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Axada maanta ah u safray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadib casuumaad rasmi ah oo dowladda Turkiga uu ka helay sida ay sheegeen saraakiisha Madaxtooyada.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa markii ay tagaan Turkiga wuxuu Xasan Sheekh la kulmi doonaa Madaxweyne Erdogan, isagoo kadibna la kulmi doona jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas sida ay muujinayaan xogaha horudhaca ah ee laga helay Villa Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo hay’adaha samafalka ee ka jira dalka Turkiga, si caawinaad uu uga raadiyo dadka Soomaaliyeed ee abuuruhu ay saameeyeen.

Waa safarkii labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka uga baxaayo tan iyo markii la doortay 15-kii May, wuxuuna horay safar qaatay shan cisho ugu tegay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo casuumaad uu ka helay.

Sidoo kale xogta aan heleyno waxay intaas ku dareysaa in madaxweynuhu safarka Turkiga kadib uu booqa doono wadamo kale oo dhaca Geeska Afrika, sida Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya oo sanadihii dambe xiriirkoodu xumaa, hadda Kenya waxay u hanqal taageysaa inay heshiisyo rasmi ah la gasho dowladda Soomaaliya ee hoggaanka uu u qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu wayn ee Soomaaliya waxa uuna tababaraa ciidanka gaarka ah ee Gorgor kuwaas kuwaas oo howlgalo ka dhan ah Al Shabaab ka wada goboladda dalka.

Turkiga ayaa hoos u dhigay tababarka ciidankaan wixii ka dambeeyay 7 February 2021, isaga oo cabdi ka qaba in madaxweynihii xilligaas Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu adeegsanado dano ka baxsan u jeedooyinkii loo tababaray sida in ay caburiyaan siyaasiyiinta mucaaradka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM