MW Xasan Sheekh oo sheegay in dhameystirka dastuurka aan loo joojin doonin mucaaradnimada isa soo tareysa

Image
Madaxweynaha ayaa Khudbadiisa diirada ku saaray barnaamjika dhamaystirka Dastuurka.

Garowe, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabadda Caleemo Saarka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa Khudbadiisa diirada ku saaray barnaamjika dhamaystirka Dastuurka, isaga oo sheegay in aanay loo joojin doonin cid kasta oo ka hortimaada.

Xasan Sheekh ayaa yiri, “Soomaali waxa aan rabaa in aan u sheego Dastuurka wakhti uma dhinna, hanti Soomaaliyeed ayaana lagu dhameystiri doonaa dibad loo qaadi maayo.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in gacan dalka lagu xorreyn doono, gacanna lagu dhameestiri doono Dastuurka sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli siyaasiyiin fara badan ay ka hor yimaadeen habraacii dhameystirka Dastuurka oo ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka.

GaroweOnline.

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM