Baarlamaanka Soomaaliya oo saddex goor ansixiyey dukumiinti uusan arag
MUQDISHO, Soomaaliya - Nuqulkee ayuu Madaxweynuhu saxiixay. Khamiistii 28/03/2024 ayaa la soo diray dokumiinti 600 bog ah oo ay ku jiraan doodihii Xildhibaannada ee afarta cutub. Waxaa la dhowrayey in doodaha iyo wadatashiyadii jihooyinka 9ka ah lagu soo daro nuqulka kama danabysta ah, lama yeelin ee maalin ka dib ayaa cod loo qaaday nuqul aan la arag.
Qaar ka mid ah Xildhibaannadii shalay codeeyey ayaan waydiiyey waxa ay u codeeyeen? Waxay iigu jawaabeen ma naqaan waxaan u codeynay?
Madaxweynayaasha dalwad goboleedyada ayaan waydiiyey, maadaama inta badan qodobbadii ay Madasha uga soo heshiiseen la beddelay, in lala wadaagay iyo in kale nuqulkii kama danbaysta ahaa? Waxay iigu jawaabeen, maya ma aanan arag.
Ilaa iyo haatan cid aragtay ma laha nuqulka kama danbeysta ah ee afarta cutub, lamana garanayo waxa uu Madaxweynuhu caawa sidii hindise sharciyeedka oo kale u saxiixay.
Waa markii saddexaad ee uu Baarlamaanka dukumiinti uusan arag ansixiyo.
Bal aan aragno halka uu ku danbeeyo dastuur anaa dubtay, aniga ayaana daangaystayka ah.?
FIIRO GAAR AH: Aragtida ku Xasan qoraalkan waxay gaar u tahay qofka ku saxiixan muhiim maaha in ay ka turjunto siyaasada Garowe Online.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waa Xildhibaan Golaha Shacabka, Siyaasi mucaarad ah iyo Wasiirkii hore Qorsheynta Qaranka.