Nabadoon caan ahaa oo Beledweyne lagu diley

Image

June 22, 2015 (GO)- Nabadoon caan ahaa ayaa caawa lagu diley degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jirey Xasan Aadan Deeqow (Xasan Oog) waxaa la toogtey salaaddii maqribka kadib isaga oo sii gelaya gurigiisa.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in dilka ay fuliyeen labo nin oo wejiga soo duubtey islamarkaana bistoolado ku hubeysnaa.

Dableyda dilka fulisey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa duribadiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka ayaa daqiiqado kaddib goobta soo gaarey, waxayna sameeyeen baaritaan muddo kooban socdey, balse ilaa iyo hadda falkaas cid looma soo qaban.

Nabadoon Xasan Oog ayaa noqonaya nabadoonkii labaad ee bishan Ramadaan gudaheeda magaalada Beledweyn lagu diley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM