Nabadoon lagu dilay Muqdisho xili amniga Caasimadda sii xumaanayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley loo maleynayo inay kamid yihiin Al-Shabaab ayaa saakay ku dilay Muqdisho nabadoon lagu magacaabi jiray Sheekh Cali Maxamed Cismaan xili walaac laga muujiyay amniga magaaladda, maadaama waqtiga kala-guurka la galay.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in labo nin oo bastoolado ku hubeysan ay Sheekh Cali ku weerareen meel u dhaw gurigiisa, kadibna ay gaarsiiyeen dhaawac culus, kaasoo markii dambe u geeriyoodey.

Falkan dilka ah ayaa ka dhacay Xaafadda Siliga Ameerikaanka, oo katirsan degmada Wadajir, oo kamid ah meelaha ugu amniga xun Muqdisho, oo lagu tilmaamo inay hoy u tahay Xubnaha Al-Shabaab ee ka howlgala Caasimadda.

Ciidanka Booliska ayaa waxyar kadib goobta gaarey, balse kuma guuleysan inay gacanta ku dhigeen ragga hubeysan ee dilay Nabadoonka, oo ahaa shaqsi caan ka ahaa Xaafadda uu deganaa.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka, balse Al-Shabaab ayaa inta badan beegsata odayaasha dhaqanka, gaar ahaan kuwii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka 10aad, oo waqtigiisa dhamaanayo.

Bishan August waxaa ka dhacay magaaladda dhowr qarax oo uu kamid yahay midkii lagu weeraray Elite hotel iyo dilal aa du badan, oo ay sheegatay Kooxda Al-Shabaab, oo mudo ka badan 10 sano dagaal kula jirta DF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM