Nabadoon xalay lagu diley degmada Marka

Image

June 22, 2015 (GO)- Nabadoon Cali Xamza oo kamid ahaa nabadoonnada ugu caansan gobolka Shabeellada Hoose ayaa xalay degmada Marko lagu diley.

Nabadoonka waxaa la toogtey xilli uu salaadii Taraawiixda kasoo baxay islamarkaana marayey meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla bartamaha magaalada.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in dilka ay fuliyeen labo nin oo wejiga soo duubtey islamarkaana bistoolado ku hubeysnaa. Dableyda dilka fulisey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka ayaa daqiiqado kaddib goobta soo gaarey, waxayna sameeyeen baaritaan muddo kooban socdey, balse ilaa iyo hadda falkaas cid looma soo qaban.

Nabadoon Cali Xamza ayaa noqonaya nabadoonkii saddexaad ee bishan Ramadaan gudaheeda la dilo, waxaana ka horreeyey labo nabadoon oo isla todobaadkan lagu diley magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM