Nabadoono lagu laayay gobolka Gal-gaduud
11 November, 2015(GO)-Nabadoono waday dadaal nabadeed ayaa lagu laayay gobolka Gal-gaduud ee bartamaha Somalia, kuwaasi oo ku sugnaa deegaan u dhaxeeya Balanballe iyo Guriceel ee gobolkaasi.
Saddex nabaddoon ayaa la dilay laba kalena waa lagu dhaawacay, kaddib markii odoyaashaasi deegaanka u tageen dadaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisad colaadeed oo u dhaxeysa laba beelood oo wada dega Balanballe.
Nabadoonada ayaa deegaankaasi ka soo noqday iyagoo sidoo kale wax kasoo dhisay maamul loo yagleelay Balanballe.
Xaaladda labada nabadoon ee dhaawaca ah ayaa la sheegayaa inay liidato ma jirto cid sheegatay weeraran.
GAROWEONLINE