Natiijada baaritaanka toogashada Xabsiga Dhexe oo lagu dhawaaqay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya oo soo afjartay baaritaanka toogashadii Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa xaqiijisay in uu ka bilowday hub loo dusiyey maxaabiista Al-Shabaabka ahayd.

Warbixin uu soo saarey guddiga loo saarey baaritaanka falkaas ayaa lagu fahfaahiyey qaabka loo qorsheeyay weerarkaas galaaftay nolosha 25 ay ku jiraan afar kamid ahaa ilaalada jeelka.

"Guddiigii loo xil saaray Baaritaanka weerarkii argagaxiso ee August 1o ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, ayaa kulan ay maanta la yeesheen sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxay kusoo bandhigeen warbixin ku saabsan natiijadii usoo baxday baaritaankii ay sameeyeen," ayaa lagu yiri warbixinta.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Guddiga ayaa intii ay baaritaanka wadeen waxay ogaadeen in August 08, 2020 gudaha xabsiga la geliyay hub sidoo kalana August 10, 2020 la geliyay rasaas dheeraad taas oo horseeday inay argagaxisada gudaha ku jirtay ay awood u yeeshaan inay gudaha xabsiga ay weerar ka fuliyaan. Hubka oo ay ku jireen bastoolado iyo bambooyin lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto".

"Dhacdada ayaa loo xiray 27 ruux oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jirto 6 ruux oo shacab ah iyo 9 kamid ah maxaabiistii xukuneyd oo iyagu qeyb ka qaatay weerarkii argagaxiso oo ka dhacay gudaha xabsiga," ayay xuseen.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Saraakiisha iyo ciidanka asluubta ee arrintaan loo xiray oo ay kamid yihiin taliyaha xabsiga dhexe iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu eedeeyay inay fududeeyeen weerarka ama ay sameeyeen dayacaad iyo gudasha la'aan mas'uuliyadii ka saarneyd sugidda amniga maxaabiista iyo mawaadiniinta kale".

Aadan Cabduqaadir Kulmiye oo ahaa taliyaha jeelka ayaa shaqo joojin lagu sameeyay kahor inta aan la xirin. Dadka la xiray waxaa kamid ah haween, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online

"Guddigu waxay caddeeyeen in maadaama uu soo dhamaaday baaritaankii ay sameeyeen ay arrinta ku wareejiyeen xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixin.

Guddiga ayaanan soo hadal-qaadin hal maxbuus oo Al-Shabaabnimo loo xukumay 2014-kii kaasoo baxsaday mudadii ay socotay is-rasaaseynta, balse laamaha ammaanka waxay horey u sheegeen in ay goobayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM