Nicholas Kay: iima muuqato sabab aan raali gelin u bixiyo

Image

November 21, 2014 (GO)- Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo la hadlay idaacada BBC ayaa sheegay inuusan garaneyn sabab ku kalifeysa in uu raali gelin ka bixiyo eedeyn ay usoo jeediyeen qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Kay ayaa sidoo kale sheegay in warbixintii uu kasoo saaray khilaafka u dhexeeya labada mas'uul ee ugu sarreeya Dowladda Federaalka iyo musuq maasuqa ka dhex jira baarlamaanku ahayd mid xaqiiqada ku saleysan.

"uma maleynayo inuu jiro wax u baahan in raali gelin laga bixiyo sababtoo ah warbixintii aan horay usoo saaray waa mid muujineysa walaac aan ogahay inay dad badani ila qabaan" ayuu yiri isagoo lagama maarmaan ku tilmaamay in hay'adaha Dowladda Federaalku midoobaan khilaafka jirana xal ka gaaraan.

Bishan November horaanteedii ayey ahayd markii Ergeyga Qaramada Midoobay ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka inay si cadaalad ah u shaqeeyaan dhexdhexaadna ka noqdaan khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

Dhanka kale wuxuu sheegay inay jiraan xildhibaano codkooda lacag siisanaya arintaasina tahay mid aan munaasib ku ahayn Golaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada mooshinka keenay qaarkood oo hadalka Nicholas Kay ka carooday ayaa ka dalbaday inuu raali gelin bixiyo maadaama sida ay ku andacoonayeen uu ku xadgubey sharafta baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM