Nicholas Kay oo Kismaayo gaarey lana kulmay madaxda Jubaland

Image

June 18, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta gaarey magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Key iyo wafdigiisa, ayaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kulan muddo kooban qaatey kula yeeshay guddiga diyaarinaya dastuurka Jubaland iyo weliba qaar kamid saraakiisha hawl-galka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Nic Kay ayaa intaas kadib usii gudbey xarunta madaxtooyada, halkaasoo uu kulan albaabadu u xiran yihiin kula yeeshay madaxda ugu sarreysa maamulka Jubaland, gaar ahaan Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).


Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin: hawlgalka Al-shabaab looga sifeynayo gobollada Jubooyinka, dardargelinta taageerada Qaramada Midoobey ay siiso Jubaland iyo weliba sidii xal looga gaari lahaa khilaafka soo kala dhex galay Jubaland iyo Dowladda Federaalka.

Jubaland ayaa dhowaan xiriirka u jartey Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii baarlammaanka federaalku sharci darro ku tilmaamay qaabkii lagu soo dhisey baarlammaanka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM