Nimankii diley Xildhibaanad Saado Cali oo dil lagu xukumey

Image

April 6, 2015 (GO)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riddey labo nin oo ku eedeysnaa dilka dhowr qof oo xildhibaanad Saado Cali Warsme kamid tahay.

Labada eedaysane oo lagu kala magacaabo Shuceyb Ibraahim Mahdi (27-jir)  iyo Faarax Cali Cabdi (30-jir) waxay xeer ilaalintu kusoo eedeysey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab islamarkaana dileen shan qof oo isugu jirey xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsanaa hay'adda nabad-sugidda.

Shanta qof ee lagu soo edeeyey in nimankaasi dileen ayaa kala ah:

  1. Xildhibaanad Saado Cali Warsame.
  2. Xildhibaan Maxamed Maxamuud (Xayd).
  3. Xildhibaan Aadan Maxamed Cali (Madeer).
  4. Axmed Odawaa Baalle, sarkaal ka tirsanaa nabad-sugidda.
  5. Maxamed Axmed Maxamed (Qaanuun), sarkaal ka tirsanaa nabad-sugidda.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Xasan Cali Shuute ayaa ku dhawaaqey xukunka isagoo sheegay in labada eedaysane dambiga lagu soo eedeeyey ku cadaaday iyaguna maxkamadda horteeda ka qirteen, sidaas darteedna lagu xukumey dil toogasho ah.

Muddo bil ah ayaa labada eedaysane fursad loo siiyey si xukunka lagu ridey ay rafcaan ugaga qaataan.

Dhowaan ayey ahayd markii Soomaaliya kaalinta siddeedaad ka gashay tirakoob lagu sameeyey wadamada ay xukunnada dilka ee ugu badani ka dhacaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM