NISA oo "caqabad ku ah" ansixinta sharciga la dirirka argagixisada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa kamid ah sababaha uu Golaha Shacabka wali u meelmarin la'yahay sharciga la dagaalanka argagixisadda, sidda uu shaaca ka dhigay Xildhibaan.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo Wasiirka Amniga kasoo noqdey dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sharaxay qaabka ay NISA uga mid tahay caqabadaha hortaagan ansixinta sharcigan muhiimka ah.

"Sababtu waxay tahay Hay'adda nabad-sugida ee hadda jirta ma haysato sharciyadii lagu aas-aasay. Hay'adan sidaa la socoto 1972-dii ayaa digreeto hal warqad ah lagu aas-aasay sharci ma aha, hay'addahana markii la aas-aasayo waxay u baahan yihiin sharci," ayuu u sheegay VOA Soomaali.

Wuxuu raaciyey: "Maadaama sharciga la dagaalanka argagixisada qodobo badan oo kamid ah uu awood siinayo Hay'adda Nabad-sugida. Marka Guddiga Amniniga [ruuxadeyda] aan kamid ah waxaan dhahnay maadaama Hay'adda NISA ay tahay hay'addii dhaqan-gelin lahayd sharciyadeedii hala sameeyo".

Xukuumadii dhacdey ee Xasan Cali Khayre ayaa hindise-sharciyeedkan waxay Golaha Shacabka u gudbisay 28-kii September ee sanadkii 2017-kii.

Sidda laga soo xigtay sharci-dejiye Cabdirisaaq, wasaaradda amniga gudaha ayaa ka gaabisay in ay diyaariso sharciga aas-aasida NISA una soo gudbiso Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka si uu cod ugu qaado.

Mudanaha ayaa hadalkiisa wuxuu intaas ku daray: "Marka waxaan isku ogeyn in Hay'adda nabad-sugida sharcigeeda hala keeno. Markii iyadda la ansixiyo ayaa la meelmarin karaa sharciga la dagaalanka argagixisadda".

NISA oo haatan uu madax ka yahay Fahad Yaasiin Daahir ayaa shaqadeedu waxay tahay uruurinta xogaha mukhaabaraadka ee liddiga ku ah Qaranka ayna ku jiraan macluumaadka weerarada ay maleegayaan ururada argagixisada.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa haatan ugu waaweyn maleeyshiyaadka ka howlgala Soomaaliya kuwaasoo fuliya weeraro ay ku beegsadaan mas'uuliyiinta dowladda, saraakiisha ciidamadda iyo xubnaha ku dhow madaxda dowladda.

Sharciga la dagaalankaa argagixisada oo ka kooban 37 qodob ayaa wuxuu qeexayaa qaabka loola dirirayo ururadan, ciqaabta uu muteysanayo cidda taageero u fidisa – xataa ha noqdo mas'uul dowladeed - iyo habka maxkamadeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM