NISA oo "gabaad-siineysa" weeraro argagixiso oo ka dhan ah Mareykanka
WASHINGTON, US – Hay'ada nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa dhabaha u xaareysa weeraro argagixiso oo ka dhan ah Mareykanka, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga National Interest.
Jaraa'idka ayaa soo xigtay hanjabaad dhowaan kasoo yeertay Xasan Daahir Aweys, sarkaal Al-Shabaab iyo Midowgii Maxaaakiimta kamid ahaa, kaasoo xabsi guri ku ah jeel ku yaala Muqdisho oo ay NISA maamusho.
Sidda laga soo xigtay qormadda, Aweys ayaa gacansaar dhow la leh Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha haatan ee mukhaabaraadka Soomaaliya, waxaana cilaaqaadkaas u uga faa'iideysanayaan in uu muuqaalo kasoo dhex-duubo.
Hanjabaada Aweys ayaa ku saabsaneyd in Mareykanka uu ka qoomameyn doono hadii uusan cudur daar ka bixin duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacdey magaalada Sablaale kuna khaarijiyey Cabdiqaadir Kumaandoos.
Kumaandoos ayaa saddex sano ahaa xoghayaha difaaca Aweys waayahoodii Midowgii Maxaakiimta. Sidoo kale, Xisbul Islaam ayay kawada tirsanaayeen kahor inta aysan jagooyin sar-sarre ka qaban ururka Al-Shabaab.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Aweys uu muuqaalo kasoo dhex-duubo jeelka. Inta badan, wuxuu ka falceliyaa dhacdooyinka siyaasadeed iyo kuwa ammaan ee dalka ka dhaca, arrintaasoo su'aalo laga keenay.
Faalada ayaa hanjabaada Xasan Daahir Aweys waxay la barbardhigtay cago-jugleyntii Osaama Bin Laadin ee 23-kii August, 1996-dii, waqtigaas oo uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah xukuumadda Washington.
Dowladii waqtigaas ka jirtay Mareykanka oo lagu eedeeyay in ay ka dhaga-fureysatay hanjabaadaha Ururka Al-Qaacida ee Osaama bin Laadin hogaanka u hayey ayaa kadib fuliyey weeraro nolol badan galaaftey.
Weeraradaas waxaa ugu caansanaa kii safaaradda Mareykanka ee Kenya sanadkii1998 iyo midkii lagu bartilmaameedsaday daaraha mataanaha ee New York.
Qormadda National Interest oo lagu wariyey in ay xiriir lahaayeen Osaama iyo Aweys ayaa ka digeysa in hanjabaadaha Xasan Daahir Aweys ay isku bedeli karaan ficil, loona baahan yahay talaabo deg-deg ah.
"Maalin kahor, bilowgii Shirkii Jamhuuriga, ololaha Trump waxaa ajenadahiisa kamid ahaa "in dunida laga ciribtiro argagixisada halista ku ah nolosha Ameerikaanka ah". Sidaas darteed, Aweys – iyo mas'uuliyiinta kale ee Soomaaliya ee u muuqda in ay taageerayaan – waa meesha haboon in laga bilaabo," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixintan uu qoray Michael Rubin.
Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera ammaanka, la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha dowladnimada. Balse, waxaa la ogaadey in sanadihii u dambeeyay uusan xiriir fiican kala dhaxeyn NISA.
GAROWE ONLINE