Nuur Cadde: Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo u dhintay Covid-19

Image

LONDON, UK - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Nuur Cadde, ayaa magaaladda London ugu geeriyooday fayruska Corona, sidda uu ku dhawaaqay qoyskiisa.

Xaaji Maxamed Nuur Cadde, oo ah wiil uu dhalay marxuumka, oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa sheegay in aabihii uu dhintay abaare todobadii aroornimada, xiliga Geeska Afrika.

Sidda ku xusan bayaanka, waxay "qadarta ALLE ugu timid" isbitaalka Kings College ee ku yaala koonfurta caasimadda Britain, halkaas oo uu ku jiray tan iyo markii cudurka laga helay.

Nuur Cadde, oo ku biiraya liiska shaqsiyaadka caanka ka ah Soomaaliya kuna nool qaarada Yurub ee fayruskaas uu galaaftay, ayaa xanuunka uu soo ritay 17-kii bishii hore ee Maaj, 2020.

"Waxaan ugu baaqeynaa Ummadda Soomaaliyeed in ay nagu kaalmeeyaan Ducada, innagana Sabir iyo iimaan Allaah naga siiyo," ayuu Xaaji Maxamed raaciyey hadalkiisa.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu carabka ku dhuftay "sidda ay qabto shareecada Islaamka" loogu aasi doono isla gudaha magaala madaxda London kahor inta aan jirkiisa la dhaqin.

Marxuumka, oo ifka kaga tegay caruur tiro ahaan badan iyo xaas, ayaa wuxuu wasiirka koowaad ka ahaa dowladdii ku meel gaarka ahayd intii u dhaxeysay 2007-dii illaa iyo 2009-kii.

AU Cabdullaahi Yuusuf Axmed, madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ayuu lasoo shaqeeyay. Dhinaca kale, mas'uuliyiin sar-sarre ayaa durba ka tacsiyeeyay geeridiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM