Gaas: bariga, galbeedka iyo waqooyiga Mudug waa Puntland

Image

May 1, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysey ka jeediyey xaflad casho sharaf ahayd oo xalay madaxtooyada Garowe loogu qabtey wufuudda ka socota Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka. Khudbadda Gaas oo qaadatey muddo shan iyo toban daqiiqo ah, waxaa qodobadii uu kusoo hadal qaadey ugu muhiimsanaa: 

DHEGEYSO KHUDBADDA GAAS


Dhismaha Ciidan Qaran

Madaxweynaha Puntland wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamey in la helo ciidamo qaran oo ay Soomaaliya yeelato, isagoo taas u sababeeyey in dib u soo celinta sharaftii Soomaaliya lahayd ku jirto dhismaha ciidan qaran oo xoog leh.

"Soomaaliya haddii la rabo inay qaran ahaato, hadii la rabo in sharaftii ay lahaan jirtey yeelato waxaa lagama maarmaan ah inay hesho ciidan Soomaaliyeed oo ka difaaca cadowga gudaha iyo midka dibadda" ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay in dhismaha ciidamo qaran tahay arrin aad u fudud, maadaama ay joogaan saraakiishii ciidamada Soomaaliya oo leh aqoon iyo waayo aragnimo fiican oo ay dib ciidamada qaranka ugu abaabulaan.

Si taasi u dhacdo, wuxuu carrabka ku adkeeyey in Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo dowladaha gobollada ee qaybta ka ah federaalku siyaasad cad oo mideysan arrintaas ka yeeshaan.

Madaxweynaha Puntland wuxuu nasiib darro ku tilmaamey in ciidamo ka socda Midowga Afrika u joogaan Soomaaliya si ay nabadeeda u sugaan ugana difaacaan Al-shabaab.


Dhismaha Maamullada Federaalka

Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay hirgelinta iyo dhameystirka nidaamkii federaalka ee horay loogu heshiiyey in Soomaaliya laga dhaqan geliyo.

Maadaama lagu guul dareystey dhismaha dowlad dhexe oo awood badan leh, wuxuu soo jeediyey in la dar dargeliyo dhismaha maamullada federaalka.

Faa'iidada ugu weyn ee ku jirta federaalka wuxuu sheegay inay tahay in la qaysado awoodaha iyo mas'uuliyadaha labadaba.


Fikirka Puntland ee shirka Cadaado

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in Puntland horay u cadeysey mowqifkeeda ku aaddan maamulka loo sameynayo gobollada dhexe, isagoo xusey in Puntland iyo Dowladda Federaalku bishii October 14, 2014 heshiis arrintaas ku saabsan magaalada Garowe ku kala saxiixdeen.

"waxaan leenahay bariga Mudug iyo galbeedka Mudug iyo waqooyiga Mudug waa Puntland...koonfurta Mudug sheegan mayno, marka waxa maamulka loo dhisyaaa waa koonfurta Mudug iyo Galguguduud" Gaas ayaa yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu mar kale  yiri: "koonfurta Mudug haddii ay nasoo raaceyso oo nagu soo biireyso waa jeclaan lahayn, hadiise ay walaalaheena koonfur kasii xiga ku biirayaan waa Ilaah mahaddiis waaana ku taageereynaa"

Cabdiweli Gaas ayaa xusey in danta Puntland ku jirto in deegaannada deriska la ah Puntland maamul yeeshaan, maadaaama taasi qayb weyn ka qaadan doonto sugidda amniga iyo xoojinta qarannimada Soomaaliya.


Maareynta iyo Qaybsiga Khayraadka

Mar uu ka hadlayey maareynta, lahaanshaha iyo qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in arrintaas si fiican laysula gorfeeyo, is-af-garad buuxana laga gaaro.

Rajo xooggan ayuu ka muujiyey in Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo dowladaha gobollada ee qaybta ka ah federaalku ku heshiiyaan arritan, xal kama dambeys ahna laga gaaro.


Higsig 2016-ka iyo Dastuurka

Marka la gaaro sanadka 2016, Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in looga fadhiyo Dowladda Federaalka isbeddel ka fiican kii dhacay sanadkii 2012 iyo weliba in dalka doorashooyin xor ahi ka dhacaan.

Muddo kororsi ay suurogal tahay inay dowladdu sameyso oo muddooyinkii u dambeeyeye laysla dhex marayey ayuu soo hadal qaadey, isagoo sheegay in shaqsiyan aanu rumeysnayn dowladda Xasan Sheekha inay xilka sii dheeraysan doonto.

Dhanka dastuurka, wuxuu maruu ka hadlayey sheegay in haddii loo baahdo wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka hadda jira, ay arintaasi u taallo barlamanka, balse ay muhiim tahay in laga talo geliyo dhammaan cidda ay khuseyso gaar ahaan dowladaha gobollada ee qaybta ka ah federaalka.


Xaaladda dalka Yemen

Ugu dambeyntii, wuxuu ka hadlay xaaladda dalka Yemen oo bilihii u dambeeyey dagaallo ka dhacayeen, isagoo sheegay in Puntland intii tabarteeda ah ku dadaali doonto soo dhoweynta dadka Soomaalida iyo kuwa ajnebiga ah ee colaadda Yemen kasoo cararaya.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in Puntland feejignaan dheeri ah oo dhanka amniga ah qabto, maadaama ay suurogal tahay in dadka Yemen kasoo qaxaya ay kusoo dhex dhuuntaan xubno ka tirsan ururrada xagjirka ah sida Al-qaacida iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo duulaan ku ah Kismaayo

Qorshaha weerarka Axmed Madoobe ayaa noqonaya midkii labaad tan iyo 2019, oo isku daydo dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 11:44AM

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ku heshiiyey xoojinta iskaashiga garsoorka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Soomaaliya ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha, Wang Yu.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 04:18AM