Nuxurka khudbadihii madaxda DF iyo maamulada ee shirka Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Shir-madaxeedkii Dhuusamareeb ku dhexmaray madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda intii u dhaxeysay 19-22 bishaan July ayaa waxaa lasoo gabagabeeyay caawa oo Arbaco ah.

Kulanka waxaa laga soo saarey war-murtiyeed qeexaya in doorashada soo aadan noqoto mid waqtigeeda ku dhacda, guddi farsamo oo loo saarey nooca doorashada soo aadan iyo kulan kale oo 15-ka August ka dhacaya isla caasimada Galmudug, iyaddoo mudadaas lasoo diyaarinayo nooca coddeynta.

Markii war-murtiyeedka loo akhriyey warbaahinta, madaxda ayaa khudbado jeedisay, waxaana ku horeysay madaxweyneyaasha maamuladda oo Galmudug kaga mahadceliyey martigelinta shirka.

Hogaamiyeyaasha dowlad-goboleedyadda oo si isku mid ah u ammaanay madaxda dowladda federaalka gaar ahaan madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu muujiyey "dulqaad, odeytinimo iyo tanaasul".

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] oo ayiday war-murtiyeedka kasoo baxay shirka Dhuusamareeb2, ayaa shaaciyey in wejiga saddexaad uu magaala madaxdan ka furmi doono 15-ka bisha August ee isla sanadkan 2020.

Madaxweyaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo adkeeyay in doorasho ay qabsoonto, ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in talaabo kasta oo la qaadayo isla markaana masiiri ah ay noqoto mid wadar-ogol ah.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, oo ka dhawaajiyey in kulamadii gaar-gaarka ahaa oo uu la yeeshay madaxweyne Farmaajo ay "arrimo qaas" isla garteen, ayaa soo jeediyey in la joogteeyo wadashaqeynta kulamada dowladda iyo maamuladda si loo xoojiyo wadashaqeynta.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, oo sheegay in shirka Dhuusaamareeb uu meesha ka saarey wadashaqeyn la'aantii dowladda federaalka ah iyo maamuladda, ayaa rajeeyay in uu noqdo mid midnimo u horseeda dalka.

Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare: "Xildhibaankii kursigiisa dhabarka saarta kalsooni darro darteeda, haku bishaareysto masoo noqonayo".

Xasan Cali Khayre, ra'iisul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo sheegay in mudadii uu socday shirka Dhuusamareeb "uusan kasoo muuqan wax dhib ah," ayaa xusay in ay madaxda ku heshiiyeen ay dalka u jiheeyaan "meesha ay ummadda Soomaaliyeed dooneyso".

Madaxweyne Farmaajo oo dowladiisa ka difaacay dhaliilaha siyaasiyiinta qaar u jeediyaan oo ah in aysan waqti hore bilaabin u diyaar-garowga doorashooyin qof iyo cod ah ayaa xaqiijiyey in qodobka kaliya ee la isku mari-waayay shirka Dhuusamareeb ay tahay nooca doorashada soo aadan.

Sidda ay qeexayaan warar xog ogaal ah, Farmaajo ayaa ku adkeysanayey doorasho qof iyo cod, halka madaxda maamuladda ay si wadajir ah ugu doodeen doorasho dadban ama mid ka duwan tii u dambeysay.

Farmaajo ayaa sheegay in uu dib ugu laaban doono baarlamaanka gaar ahaan Golaha Shacabka oo ku adkeysanaya doorasho qof iyo cod ah, isagoo balanqaadey in uu u bandhigi doono arrimihii uu maamlada la gorfeeyay.

Sikastaba ha ahaatee, wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb oo laba todobaad kadib qabsoomaya ayaa la filayaa in ay madaxda kaga heshiiyaan nooca doorashadda, waana arrinta kaliya ee sidda weyn isha loogu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM