Nuxurka warqadii uu Muuse Biixi kaga jawaabay booqashada Farmaajo

Image

HARGEYSA, Somaliland – Warqadii uu Muuse Biixi Cabdi kaga jawaabay booqasho uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tago magaalada Hargeysa ayaa la ogaaday qodobadii ku qornaa.

Wargeyska afka dheer ee Middle East Online ayaa wuxuu daboolka ka qaadey macluumaadka ku jiray warqadda diblumaasiyadeed.

Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu warqadaas u diray Abiy Axmed, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, kaasoo agaasimay is-araggii ugu horeeyay ee labadda hogaamiye.

Sidda ku xusan warbixinta, Abiy Axmed waxaa la hor-dhigay in uu ka jawaabo laba su'aal oo daaran ujeedada ka dambeysa safarka.

Su'aalaha ayaa kala ahaa;

Farmaajo ma waxaa lagu soo dhaweynayaa isagoo ah madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland?

Ama wuxuu aqoonsan doonaa madax-banaanida Somaliland isla markaana uu soo booqan doono isagoo tegaya dal madax banaan?

Dalabka booqasho uu Farmaajo ku tago Hargeysa waxaa lagu soo qaadey kulan labada hogaamiye ku dhexmaray magaaladda Addis Ababa.

Somaliland ayaa gooni u goosad ah tan iyo sanadka markii uu ahaa 1991-dii, balse ma helin aqoonsi caalami ah, waxaana loo arkaa maamul hoostaga Muqdisho.

Tan iyo xiligaas waxaa socday wadahadalo, balse mudadii ay jirtay dowladda madaxweyne Farmaajo dib looma bilaabin, taasoo la tilmaamay in ay khilaafka meel sarre sii gaarsiisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM