Odayaasha dhaqanka Jubaland oo tababar loo soo xirey

Image

January 27, 2015 (GO)- Xubno ka tirsan duubabka dhaqanka ee guud ahaan gobollada Jubbooyinka ayaa loo tababaray xalinta khilaafaadyada iyo huggaaminta wanaagsan, taas oo lagu saleeyey dhinaca dhaqanka.

Odayaasha oo ahaa kuwa laga kala keenay inta badan degmooyinka saddexda gobol ee Jubba ayaa loo dhigay casharo la xiriira sidii ay u xalin lahaayeen khilaafaadka bulshada dhex mara. Waxaana lagu dhiiri-geliyey howlaha ay hayaan.

Hay’ado ka socday UK ayaa tababarka oo ahaa mid balaaran oo socday lix maalmood duubabka dhaqanka ugu qabtay magaalada Kismaayo.

Burhaan Maxamuud oo Jubba u hadlay, wuxuu sheegay in gobollada Jubbooyinku ay yihiin kuwa soo kabanaya oo nidaam yeeshay isla markaasna u baahan xalinta khilaafyo badan hadda jira iyo weliba kuwa mustaqbalka la filan karo, Burhaan wuxuu boggaadiyey tababarka.

Magaaladda Kismaayo waxaa haatan ka socda olole siyaasadeed oo lagu soo xulayo xubnihii xildhibaanada ee maamulka Jubba. Kuwaas oo lagu soo xulayo hab beeleed keeni karana khilaaf iyo kala aragti duwaansho.

Odoyaasha dhaqanka ayaa door sare ka ah dhismaha maamulka Jubba iyo qorshaha dib u heshiisiinta ah ee ka socda gobolladaas, maadama ay hore u kala fogeeyaan aragti iyo wada noolaansho ahaanba beelaha qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Galaysa Marxalad Cusub Xilli uu Dhammaaday Hawlgalka UNTMIS

Kala-guurka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta hay’adaha federaalka iyo hagaajinta amniga.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:31AM

Xasan Sheekh oo ku guuldarraystay inuu Museveni ku qanciyo sii joogitaanka ciidamada Uganda

Museveni ayaa kulanka ku sheegay in dhibaatooyinka Soomaaliya ay salka…

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 10:10PM