Odayaashii soo xulay Xildhibaanada oo laga daabulayo Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Odayaashii soo xulay ergadii dooratay Xildhibaanadda haatan jooga ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga daad-gureynayaa caasimada Muqdisho, siduu sheegay sarkaal ka tirsanaa hay'ada NISA.

Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, ayaa shaaciyey in Al-Shabaab ay daabuleyso odayaasha dhaqanka.

Siyaasigan ka tirsan xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa ka walaacsan in kooxda argagixisada saameyn ku yeelato coddeynta soo aadan.

Sanbaloolshe ayaa si furan uga soo horjeestay in coddeynta soo aadan lagu galo hanaanka degaan doorashadda, isagoo ku doodey in ay sarre u qaadi karto cabsida laga qabo in ay soo baxaan "Xildhibaano Al-Shabaab ah".

Inkasta oo ay qaadaceen Puntland iyo Jubaland, Villa Soomaaliya oo gedaal ka riixeysa noocaan doorasho ayaa Dhuusamareeb 3 kaga saxiixatay madaxda maamuladda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

"Sideedaba doorasho waxay ka dhici kartaa meel AMISOM joogto kaliya marka laga reebo Puntland iyo meelo kamid ah Galmudug. Gobol kastana in afar goobood AMISOM ka joogtana suurtagal maahan. Waadna la socota 2016-kii, Shabaabku ra'yi kama lahayn doorashada, geedi u socodkeeda, sidda loo dhisayo iyo natiijadeeda. Hadda Shabaabku wixii waa fahamsan yihiin waad la socotaa ergooyinka 2016-kii dhamaantooda in loo yeeray, odayaasha soo xulay egooyinka dhamaantooda in loo yeeray, todobaadyadii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho odoyaal ayaa laga daabulayey. Sidee doorasho aysan saameyn mug ah ku lahayn Al-Shabaab loo qaban karaa?," ayuu u sheegay Somali Cable Tv.

Isagoo ka jawaabaya isla su'aashaas, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Turkiga ayaa ku adkeystay in aysan qabsoomin doorasho ka cagaan xoogaga hubeysan Ammaan ahaan, siyaasad ahaan iyo farsamo ahaan.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka feeraalka Soomaaliya ayaa horey uga digay in argagixisada ay kaalin ku yeelatay doorashada 2020-21 iyaddoo adeegsaneysa xeelada cabsi-gelinta.

"Ergadii 14 kun ahayd ee sanadkii 2016 soo doortay 275 Xildhibaan Golaha Shacabka intooda badan waxay noqdeen kuwa la dilay, kuwa Alshabaab isku dhiibay, kuwa ka cararay dalka iyo kuwa afar sano dhuumaaleysi ku jiray," ayuu kusoo qoray bartiisa Facebook 22-kii bishaan August, 2020-ka.

Al-Shabaab oo dagaalameyaasheeda lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 5,000-7,000 ayaa gacanta ku haysa degaano dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxayna sanadihii u dambeeyay Muqdisho ka uruursatay dhaqaale badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM